U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Cunnoqabateyn Kusoo Rogay Shakhsiyaad Iyo Shirkado Ka Tirsan Xisbullah

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareykanka oo uu hogaamiyo madaxweyne Trump, ayaa sheegtay in lix qof oo ka tirsan ururka Hezbollah iyo todobo shirkadood oo raacsan ururkaani lagu soo rogay cunno-qabateyn.

Ujeedka shakhsiyaadkan iyo shirkadahaan loogu soo rogay cunno-qabateynta ayaa waxaa lagu sheegay in hoos loo dhigayo awoodda ay Iran ku leedahay Bariga dhexe iyo waliba meelaha kale ee fog.

Lixdan qof oo lagu soo rogay cunno-qabateynta,shan ka mida waxa ay u dhasheen Lubnaan,halka midka lixaadna uu u dhashay Ciraaq kaasi oo lahaa shirkad horumarisa dhismaha sida ay sheegtay wasaaradda Khasaanadda Mareykanka.

Mas’uul ka tirsan maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in cunno-qabateytaan ay qeyb ka tahay olole lagu beegsanayo in hoos loo dhigo awoodda Iran taasi oo sanadkii ku bixisa ururka 700 Milyan oo doolarka mareykanka ah si uu howlihiisa uga fuliyo daafaha dunida.

Waxaa la aaminsanyahay in lixdaan qof oo lagu soo rogay cunno-qabateynta ay xiriir la leeyihiin nin lagu magacaabo Adham Dibaajaha iyo shirkaddiisa oo ka shaqeysa arrimaha horumarinta dhismaha iyo qandaraasyada,waxayna ninkani u arkaan Mareykanka inuu yahay ninka ugu muhiimsan shantaan kaasi oo maal-geliyo ururka hadda.