Mareykanka Oo Magacaabay Madaxa Howgalkooda Ee Soomaaliya

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Ambassador Yamamoto  uu noqonayo Madaxa Howgalkooda Soomaaliya isagoo lagu badalay Ambassador Kaeuper oo isna shaqada soo galay dhamaadkii sanadkii hore.

Yamamoto waxaa uu heystaa ilaa 30 sano oo khibrad ah, waxaa uu horay u soo noqday Safiirka Mareykanka ee Wadamada Itoobiya(2006-2009) iyo Djaburi 2000-2003dii.

Yamamoto waxaa uu diblomaasiyadda soo galay 1980-kii, waxaa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay safaaradda Mareykanka ee Beijing.

Waxaa uu ka qalinjabiyay Columbia College iyo  Columbia University,  waxaa uu helay  shahaadada master-ka  ee xiriirka caalamiga ah, waxaa uu sidoo kale bartay luqdaha  Chinese, Japanese, Arabic iyo French.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW