U bood dhigaalka

Mareykanka oo Farmaajo Si Cad ugu Sheegay inuu Rooble uga Dambeeyo Doorashada, Ciidankana Dhexdhexaad ahaado

Sheeko:Amniga

Kaaliyaha xogheyaha arrimaha dibadda ee Afrika Molly Phee oo la hadashay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday  Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyada oo Farmaajo ku boorisay inuu la shaqeeyo Rooble halka raísul wasaarahana ay u sheegtay inuu dedejiyo doorashada, oo ah mid hufan.

Qoraal ay kusoo qortay xafiiska Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ayey ku tiri” Maanta waxaan kala hadlay Maxamed Farmaajo baahida loo qabo in la joojiyo haddallada kulkul iyo tallaabooyinta hurinta, waxaan ku adkeeyey in ciidamada amnigu ahaadaan dhexdhexaad. Waxaanna ku booriyey inuu ku taageero Maxamed Rooble qabashada shirka wadatashiga iyo dhameystirka doorasho hufan”.

Dhanka kale, qoraal ay isla bartaas soo dhigtay waxaa ay ku sheegtay “ Waxaan shalay kala hadlay Maxamed Rooble sida aan u taageereyno dadaalladiisa ku aadan qabashada shirka madasha wadatashiga si loo saxo dhibaatooyinka doorashada, loona dhameystiro doorasho hufan oo degdeg ah. Waxaa waajib ah ku ah dhinacyada iney joojiyaan tallaabooyinka hurinta ah, waana in ciidamada ah dhexdhexaad ahaadaan”.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdi Caynte oo qoraalka ka falceliyey ayaa bartiisa Twitterka waxaa uu ku sheegay in ay tahay dhambaal cad oo ka yimid mid ka mid ah saaxibada Soomaaliya. Diiradda waa in la saaro sixitaanka qalalaadka ka jira doorashada, loona dhameystiro si dhaqso ah, Heshiiska 17 May waxaa uu raísul wasaaraha Maxamed Rooble siinayaa hoggaanka doorashada iyo amniga, in arrintaas la weecdana waa mid aan la iska diido.

Mareykanka ayaa waxaa uu muuqata in ay kasoo horjeedaan dagaalo iyo qalalaaso iyaga oo u hiiliyey ra’isul wasaare Rooble inuu sii wado shaqadiisa doorashada iyo hoggaaminka dalka.

Goobjoog News