U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Gurmad U Fidinayo Dad Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Afgahnistan

Sheeko:Amniga

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay gurmad bini aadanimo iyo lacago ay garsiineyso dadkii lagu dilay qarax ka dhacay Kabul xilligii mareykanka uu isaga soo baxayay dalka Afghanistan.

Waaxda gaashaandhigga mareykanka ee Pentagon ka ayaa sheegtay in gurmad la siinayo qoysaska 10-kii qof ee mareykanka ee ka dhimatay bilawgii Augusto.

John Kirby, oo ah Afhayeenka Pentagonka ayaa sheegay in waaxda gaashandhigga Mareykanka ay gurmaneyso dadka xilli uu sheegay in qoysaska dadkii dhintey ee weli ku sugan Afghan in mareykanka uu ka shaqeynayo sidii lagu keeni lahaa gudaha Mareykanka.

Kirby ayaa carabka ku dhuftay in ay go’aankaan ay qaateen kadib markii kulan gelinkii dambe ee shalay Pentagon ka uu la qaatay Xoghaya siyaasadda difaaca Mareykanka Dr. Colin Kahl.

Weerarka lagu dilay dadkan ayaa dhacay 29 Augusto, xilligaas oo aheyd maalmihii ugu dambeyay ee mareykanku uu isaga baxayay Afghanistan.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in gurmadka loo fidinayo ehelada ay qeyb ka yihiin deeq lacageed oo la gaarsiinayo dadka wax yeelada ay haleeyshay, Inkastoo mareykanka uusan shaacin cadadka lacagta uu qoysaska siin doono.

Goobjoog News