U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Hubeynaya Kooxda Kurdiyiinta Suuriya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa  aqbalay inuu Maraykanka hubeeyo kooxda Kurdiyiinta si ay ula dagaallamaan ururka Daacish sida ay sheegtay wasaaradda gaashaadhigga ee dalkaasi.

Afhayeen u hadashay wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ayaa sheegtay in kooxda Kurdiyiinta uu mareykanka uu hubeyn doono iyagoo la siinayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Tallaabada uu ku hubaynayo Mareykanka Kurdiyiinta ayaa waxay ka carreysiisay dowladda Turkiga oo iyadu Kurdiyiinta u aqoonsan inay yihiin argagixiso.

Dowladda Turkiga ayaa doonaysa in aysan Kurdiyiinta qabsan dhul badan oo ka tirsan Suuriya, balse Mareykanka ayaa sheegay inuu ogyahay inay arrintaani ay ka carreysiinayso dowladda Turkiga.

Ugu dambeyn wasaaradda gaashaadhigga Maraykanka ayaa sheegtay in Kurdiyiinta hubka laga soo celin doono ka dib markii ay ka saaraan ururka Daacish waddankaasi.

Goobjoog News