U bood dhigaalka

Mareykanka Oo La Sheegayo In Ay Duqeyn Ku Dileen 10-28 Qof Oo Rayid Ah

Sheeko:Dalka

Sida lagu daabacay Sputnik International,  afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa waxaa uu wargeys dhanka ciidamada ka faallooda u sheegay in ay u badan tahay in Al-shabaab ay dib ula wareegaan goobihii laga saaray, waa haddii ay AMISOM baxdo, Ciidamada Soomaalidana aaney xoojin heysashada.

AFRICOM ayaa waxaa ay weeraro ka geysataa qeybo ka tirsan koonfurta Soomaaliya, laga soo bilaabo bishii June waxaa ay qaadeen 13 weerar oo xagga cirka ah, waxaa ay sheegayaan in ay bar-tilmaameedsadeen goobo ay ka taliyaan Al-shabaab.

Weerarkii ugu dambeeyay waxaa uu dhacay September 13, waxaa kale qoraalku sheegayaa in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in 2001-dii wixii ka dambeeyay ay Mareykanka duqeyn ku dileen 10-28 rayid ah.

Goobjoog News