U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Liiska Madow Ku Daray Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Eritrea

Sheeko:Amniga

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay hoggaanka sare ee dalka Eritrea iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dalkaas.

Bayaan ay soo saartay Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in liiska madow lagu daray ciidamada Eritrea, Hoggaanka xisbiga talada haya  ee FDFJ, la taliyaha dhaqaalaha ee xisbiga iyo madaxa xafiiska amniga Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda sanad jirsatay ee ka socota dalka Itoobiya.

“Waxaan cambaareyneynaa doorka joogtada ah ee ay  Eritrea ka geysanayso  rabshadaha ka socda waqooyiga Itoobiya, taas oo wiiqday xasilloonida iyo sharafta dawladda oo keentay masiibo bini’aadanimo,” ayuu yri Andrea Gacki,  oo ah agaasimaha Xafiiska Hantidhowrka ee Kooxaha Hantida Dibadda Mareykanka.

Bilowgii dagaalka, militariga Eritrea ayaa soo diray taangiyo iyo ciidamo si ay u caawiyaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Xukuumadda Abiy ayaa markii hore beenisay in Eritrea ay ciidamadeeda gelisay dagaalka, balse markii dambe waxay qiratay inay halkaas ku sugan yihiin ciidamo ka socda dalka deriskooda ah , waxayna bishii March sheegtay in Eritrea ay ciidamadeeda kala baxayso Tigray-ga, Ciidamada Eritrea ayaa weli ka howlgala waqooyiga Itoobiya, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Waxa kale oo Jimcihii liiska madow lagu daray Hidri Trust, oo ay Hanti-dhowrku sheegtay inay tahay shirkadda gacanta ku haysa dhammaan shirkadaha ganacsiga ee xisbiga talada haya ee Eritrea, iyo Shirkadda Ganacsiga Badda Cas, oo maamusha danaheeda dhaqaale iyo hantideeda.

Goobjoog News