U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Looga Dabaal Dagayo Xuska Sanadguuradii 245-aad Ee Ka Soo Wareegatay Xornimada Mareykanka

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta dalka mareykanka looga dabaal dagaya xuska markii uu Mareykanka xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska, oo hadda laga joogo 245 sano.

Mareykanka ayaa ka xoroobay gumeeystihii Ingiriiska Afartii july sanadkii 1776 oo ay soo wareegatay 245 sano, iyadoo Mareykanka uu hadda yahay dalalka ugu saaameynta badan dunida.

George Washington ayaa noqday madaxweeynihii ugu horeyay ee uu yeesho dalka Mareykanka iyada oo uu xilka haayay intii u dhaxeeysay April 30, 1789 – March 4, 1797.
Wixii xilligaas ka dambeyay Mareykanka ayaa waxaa soo maray 45 madaxweyne, Mareykanka ayaana hadda lagu tilmaama in ka mid yahay quwadaha adduunka .
Goobjoog News