U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Mar Kale Cunaqabateyn ugu Hanjabay Qas-wadeyaasha Muqdisho

Sheeko:Amniga

Mareykanka ayaa war uu ka soo saaray dagaaladii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho , isagoo sheegay in ay ka walaacsan yihiin Xaaladda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu xusay in haddii ay sii socdaan rabshadaha uu Mareykanku mar kale ka fikirayo xayiraado iyo Cunaqabateyn uu ku soo rogo dadka ku lugta leh xasilooni darada Muqdisho.

Hadalka oo aad u koobnaa ayaa u qornaa sidan “Mareykanku wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay isku dhacyadii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda. ”

“Wada-hadallo iyo heshiis ayaa ah hababka kaliya ee lagu xaliyo is-mari waaga siyaasadeed, waxaan ku boorineynaa dhinacyada inay dib u billaabaan wada-xaajoodyada mar un, si ay u gaaraan heshiis horey loogu ambaqaado doorashooyin deg deg ah.”ayaaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Afhayeenka Xoghayaha Guud ee arrimaha dibadda Mareykanka

 Ned Price Afhayeenka Xoghayaha Guud ee arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo qoraalka ka soo baxay waxa lagu yiri “Sida uu horey u sheegay xoghayaha arrimaha dibedda, dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay ka fakarto dhammaan ikhtiyaaraadka la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateyno iyo xayiraado dhanka visa-ha ah, si looga jawaabo dadaallada lagu waxyeeleynayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”

GoobJoog News