U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Mar Kale Shacab Ku Dilay Duqeyn Ka Dhacday Suuriya

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay magaalada Raqa ee dalka Suuriya ka dib markii ay diyaaradaha is baheysiga caalamiga ah oo uu hogaaminayo Mareykanka ay duqeyn ka geesteen magaaladaasi, taasi oo saldhig u ah ururka Daacish.

Dadka dhintay ayaa waxay ahaayeen dhammaantood dad shacab ah kuwaas oo ku sugnaa dhanka waqooyi ee magaalada iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dhimashada ugu badan ay soo gaartay haweenka iyo caruurta.

Magaalada Raqa ayaa waxaa is kaga cararay dad fara badan oo shacab ah tan iyo markii uu bilowday hawlgalka ciidamada Suuriya ay ku soo ceshanayeen magaaladaasi .

Dagaalka Suuriya ayaa bilowday ka dib markii dad fara badan oo shacab ah ay iskugu soo baxeen magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, kuwaasi oo dalbanay inuu dhaco maamulkii markaas talada hayay.

Dhinaca kale war ay soo saareen saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa waxay ku sheegeen in duqeymaha diyaaradaha is-baheysiga caalamiga ah ay ka geesteen Suu riya ay ku dhinteen dad gaaraya 484 qof oo shacaba. Balse guud ahaan dagaalkii ka bilowday Suuriya bishii Maarso ee sanadkii 2011 kii ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 320 kun oo qof.

Goobjoog News