U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Afgambiga Sudan

Sheeko:Amniga

Antony Blinken, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in uu qadka taleefanka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Suudaan kadib markii la soo daayay dhowr cisho oo uu u xirnaa ciidamada Militeriga dalka Sudan.

Blinken ayaa ra’iisul wasaara Hamdok ugu hambalyeey in uu xoriyaddiisa dib u helay isagoo ciidamada Afgambiga sameyeeyay ugu baaqay in ay soo daayaan mas’uuliyiinta kale ee xukuumadda rayidka ka tirsan kuwaas ee ay xireen.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa lagu sheegay in mareykanka uu soo dhaweynayo sii deynta ra’iisul wasaaraha Suudan.

Khartoum ayaa maalmihi la soo dhaafay wajaheysay banaanbaxyo iyo isusoo bax ay dhigayeen dad shacab ah oo ka careysan afgambiga ciidamada dowladda ay ka sameeyen dalka.

Xubna sare oo ka tirsan saraaakiisha ciidamada Suudaan ayaa bilawgii todobaadkaan Afgambi xilka kaga tuuray xukuumaddii uu hogaaminaye Ra’iisul wasaare Hamdok.

Goobjoog News