U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Qabtay Dooni Sidday Hub Sharci Darro Ah

Sheeko:Amniga

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa sheegay in ay qabteen dooni sidday Hub sharci darro ah , taas oo dhex maquuraneysay biyaha badda Carabiya .

Maraakiibta dagaalka maraeykanka ee USS Monterey (CG 61) ayaa la sheegay in uu qabtay doonida Sabtidii shalay .

“Hubka la qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa dhowr daraasiin oo ah gantaalaha ridada dheer  ee Ruushka lagu farsameeyay kuwaas oo loo isticmaalo , kumanaan kun oo qoryaha nooca Shiineeska ah ee loo yaqaano56, iyo boqolaal qoryaha PKM, qoryaha toogashada iyo gantaalaha wax lagu rido. Waxyaabaha kale ee la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Hub  casri ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska dhexe ee Ciidamada Badda Mareykanka .

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan halka laga keenay hubka iyo goobta uu ku socday, iyadgoo sheegay in ay baaritaanada kadib soo saari donaan Jawaabta .

Sida ku cad warbixinta Ciidamada doonida hubka siday ayaana la ogeyn dalka laga leeyahay Asal ahaanteeda doonida .

GoobJoog