U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Qirtey In Ciidamo Galmudug Ah Ku Laayey Duqeyntii Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Washington ayaa sheegtay in weerarkii mareykanku uu ka geystay gobolka Mudug meel kamid ah September 28 uu ahaa mid lagu dilay Maleeshiyo maxalli ah oo aysan jirin warka sheegaya in ragga weerarkaa lagu laayey ay ahaayeen Al-shabaab.

Sida ay wakaaladda wararka Reuters ay ka soo xigatay wasaradda Gaashaandhigga dalka Mareykanka waxa ay markii hore aaminsaneyd in duqeynta ay ku dishay xubno ka tirsanaa xarakadda Al-shabaab balse markii dambe ay u cadaatay in ciidamada la dilay ay ka tirsanaayeen Galmudug.

Warka ka soo baxay Dowladda mareykanka oo ah mid horudhac ah waxaa lagu xusay in weerarkaa ay ku geeriyoodeen 10 maleeshiyo deegaanka ah halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Mareykanku waxa uu meesha ka saaray in dad rayid ah ay waxyeello kasoo gaartey weerarkii Mudug diyaaradihiisu ku qaadeen.

Mareykanka ayaa weerarkaa ka dib war uu soo saaray ku sheegay in Al-shabaab ay bartilmaameed sadeen kadib markii ay qatari soo food saartay oo ay iyagu is difaaceen.

Afhayeen u hadlay xarakaddaAl-shabaab ayaa horey u beeniyey in ciidamadoodu aysanba joogin halka weerarku uu ka dhacay xilli Putland saraakiil u hadashay iyo Mareykanku ay ku adkeysanayeen in dadka la weeraray ay ahaayeen Al-shabaab.

Duqeynta mareykanka ee mudug waxa ay abuurtay xasarad kulul oo ka dhexbilaabatay Galmudug iyo Putland kadib markii galmudug ay sheegtay in butland mareykanka ay soo hoggaamisay beenna u sheegtay.

Qirashada Mareykanka ee ah in uu Maleeshiyo deeganka ah laayey waxa ay soo dadaji doontaa in Mareykanku uu magdhow lagu qanci karo siiyo eheladii dadku ay uga dhinteen weerarkaasi, islamarkaana uu il gaar ah haadda kadib uu ku eego howlgallada uu Soomaaliya ka fuliyo.

Goobjoog News