U bood dhigaalka

Mareykanka iyo Shiinaha: Dagaal Internet-ka

4 Malyan oo shaqaalaha Mareykanka ah ayaa Comuteradooda loo dhacay kadib markii ay soo weerareen Burcadda Internet-ka.

Marekanka ayaa ku eedeeyay arinkan dalka Shiinaha balse Shiinaha waa uu beeniyay arinkan.

Dowladda Mareykanka ayaa shaqaalaha la wareeray u sheegtay in ay is ilaaliyaan, kana taxadaraan khatarta Burcadda.

Shaqaalaha ayaa lagu taliyay in ay soo tabiyaan haddii ay arkaan wax cilad ah ama dhaqdhaqaaq aanay la socon oo Cumputerkooda dhexdiisa ah.

Mas’uulk u hadlay Safaaradda Shiinaha uu ku leeyahay Washinton ayaa sheegay in Mareykanka ay ku fududaadeen eedeynta Shiinaha, lagana yaabo in ay arinkan dhib kale ka dhasho.

Mas’uul u hadlay shirkadda Compueradeeda loo dhacay ayaa sheegay in arinkan ay dhacdat April, isagoo sheegay in Muddo 18 Bilood ah ay la socon doonaan arimaha la xiriira Computeradii loo dhacay.