U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn Dhinaca Cirka Ah Ay Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Al Shabaab

Sheeko:Amniga

War ka sooo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay ku dileen qeybo ka mid ah gobalka Baay ka dib markii duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday.

Duqeyntaan ayuu Mareykanku sheegay in ay si gaara uga dhacday deegaanka Buulo Fuulay ee gobalka Baay waxaana iska kaashaday taliska Mareykanka ee Afrika iyo dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay AFRICOM.

Qoraalka ayaa waxaa lagu caddeeyay in labo dagaalame oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab lagu dilay duqeyntaasi, islamarkaana aysan jirin khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

10-kii bishan Mareykanka ayaa duqeyn uu ka fuliyay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose waxa uu ku laayay dad shacab ahaa, isaga oo duqeyntaasina ku sheegay in uu ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab, waxaana xusid mudan in horey hey’adaha u dooda xuquuqul aadanaha ay Mareykanka ku eedeeyeen in duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya ay waxyeelo ba’an ka soo gaarto dadka rayidka ah.

Goobjoog News