U bood dhigaalka

Mareykanka oo Sheegay Iney Dileen Cabdulqaadir Commandos, oo Ka Tirsanaa Hoggaanka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

AFRICOM ayaa qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in duqeyn ay fuliyeen 25-kii August ay ku dileen mid ka mid ah hoggaanka Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Commandos.

Duqeynta ayey sheegeen iney aheyd duqeyn diyaarad oo ka dhacday Saakow, laguna dilay Commandos oo xilal badan kasoo qabtay Al-shabaab.

Mareykanka oo sida ay sheegeen fuliyey 46 duqeymo ah laga bilaabo Janaayo sanadkan ayaa intaasi ku daray iney dileen saraakiil badan oo Al-shabaab sida Bashir Maxamed Maxamuud (Bashir Qoorgaab) iyo  Yusif Jiis.

Goobjoog News