U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Sheegaya Iney Jiraan Shirkado Dalkaasi Ah Oo Baaray Shidaalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ay jiraan shirkado dalkaasi ah oo baaritaan xagga shidaalka ah ku sameeyay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Hadalkan waxaa sheegay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Michael Schwartz mar uu wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, safiirka waxaa hadalkiisa ka mid ahaa:

“Shirkada Mareykanka ee shidaalka baara horey ayey u maalgeliyaan Soomaaliya waxayna ka sameeyeen baaritaanno ku aaddan shidaalka Soomaaliya sanado badan ka hor ma garan karo 30kii sano ee ugu dambeeyey wax lagu fikiray laakiin waxaa jiray shirkado waaweyn oo baara shidaalka kuwaasoo eegayey inay meelo fursado ka jiraan marka waxaan isleeyahay inay jiraan shirkado Ameerikaan ah oo shidaalka baara kuwaasoo s taxadar leh u eegaya Soomaaliya iyo haddii ay maalgelin karaan Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Stephen Michael Schwartz  oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri”Farriinta aan u dirayo dadka Soomaaliyeed waxay tahay inaan ugu hambalyeeyo inay heleen dowladda la soo doortay waxaana ku faraxsanahay inaan la shaqeyno dadka Soomaaliyeed lana meelmariyo siyaasaddii iyo hay’adihii caawin lahaa dalka waana dowlad aan dooneyno inaan la shaqeyno waxaana isleeyahay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal wanaagsan inkastoo ay waqti qaadaneyso dadka waxaa looga baahanyahay inay dulqaataan dowladda Mareykankuna wey kala shaqeyneysaa arrintaas”.

Goobjoog News