U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Sheegtay In Ay Dileen Saraakiil Al-shabaab Ah

Sheeko:Dalka

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa in lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Kanjaroon oo u dhaw xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Sida ay qortay VOA-da duqeynta waxaa lagu dilay 4 sarkaal, waxaa ka mid ah Bashiir Dheere oo ka tirsanaa taliyeyaasha Xarakada ee Jubbooyinka iyo rag kale oo la socday.

Wararka ayaa sidoo kale intaa ku daraya in raggan la dilay kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo Soomaali iyo Mareykan ah oo ku sugnaa magaalada Kismaayo.

Goobjoog News