U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Soo Dhaweyay Doorashada Aqalka Sare Ee La Soo Gabagabeyay

Sheeko:Amniga

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay dhameystirka doorashada Aqalka sare ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Saafaradda Mareykanka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in mareykanku uu soo dhaweynayo doorashada Aqalka sare ee la soo gabagabeyay.

Madaxweynayaashada dowlad gobaleedayda dalka iyo ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa loogu baaqay in ay sidoo kale dardargeliyaan doorashada Golaha shacabka.

Hoos ka akhriso qoraalka Mareykanka