U bood dhigaalka

Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska Ximan iyo Xeeb ay ugu biirtay maamulka gobollada dhexe

Sheeko:War

Ku simaha Ergeyga Gaarka ah ee Dowlada Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Brian H.Phipps ayaa soo dhaweeyey ku biiritanka maamulka Ximan iyo Xeeb ay ku soo biirtay heshiiskii bishii Luulyo 30-keedii lagu saxiixay magaalada Muqdisho, heshiiskaas oo ku saabsanaa sidii maamul loogu samayn lahaa Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

“Dowladda Maraykanku waxay bogaadinaysaa shaqada fiican ee ay hogaamiyayaasha qaybaha kala duwan ee arrintan ku soo jiray sameeyeen. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an saaxiibtinimada kala dhaxeysa dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna sii wadi doontaa taageeridda dariiqa Soomaaliya ay ku gaareyso nabad, daganaansho iyo mustaqbal horumar leh.” Ayuu yiri Brian H.Phipps.

Shalay ayey ahayd markii munaasabad uu goobjoog ka ahaa kusimaha madaxweynaha iyo Soomaaliya,Ra’isulwasaaraha xukuumadda federaalka ah iyo mas’uuliyiinta maamulada Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusuna waljameeca lagu dhameys tiray heshiiska maamul u sameynta gobollada dhexe.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada midoobey ayaa taageeray heshiiska ay Ximan iyo Xeeb ugu biirtay maamul u sameynta gobollada dhexe ee dalka.