U bood dhigaalka

Mareykanka oo soo Diray Markab Qaadaya Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Tallaabo ku tusineysa sida Mareykanka uga go’an tahay iney ciidamadiisa kala baxaan Soomaaliya, Pentagon ayaa soo diray markab weyn oo ciidamada qaada.

Markabkan oo loogu yeero USS Hershel “Woody” Williams ayaa fulin doona amarka todobaadkii hore ay Mareykanku gaareen oo ah iney ciidamada kala baxaan Soomaaliya.

Mareykanka ayaa xeebaha Soomalaiya usoo diray USS Hershel “Woody” Williams oo ah Markab caadatan qaada ciidamada Marines-ka ee ku sugan dagaaladda halka diyaaradda nooca AC-130W Stinger II ay kor ka ilaalin doonto dhaqdhaqaaqa lagu qaadayo ciidanka.

AFRICOM ayaa jimcihii diiday inuu sheegay inta ciidan ay qaadi doonaan, waxaase la sheegayaa iney Soomaaliya ka joogaan 700.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada qaar oo dhulka ah laga tagi doono halka ciidamada laga qaadayo Soomaaliya ay saldhig ka dhigan doonaan Djibouti iyo Kenya.

Goobjoog News