Mareykanka Oo Suudaan Ugu Baaqay Sii-deynta Saxafiyiinta

Dalka Mareykanka ayaa ku booriyey maamulka Suudaan sii-deynta saxafiyiin iyo dhalinyaro u ololeysa xuquuqda dadka oo ay ciidamada u xireen dibad-baxyadii dhowaan ka dhacay gudaha dalkaasi.

Warbaahinta ka shaqeysa Suudaan ayaa la kulantay cadaadis kadib markii ay halkaasi ka dilaaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir, laguna dalbanayo is casilaadiisa.

Warbaahinta ruqsadda lagala laabtay ee dalkaasi ka howl gasha waxaa ka mid ah Al Jazeera, Al- Carabiya iyo qaar kale.

Dibad-baxyada ayaa ka socday arbacadii shalay aheyd Khartuum, Umdurmaan iyo gobollo kale, waxaa ay dadkaasi dalbanayaan inuu madaxweyne Al-bashiir xukunka ka dago.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW