U bood dhigaalka

Mareykanka oo Villa Somalia Ka Dalbaday Iney La Fariisato Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Qoraal goordhow kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray maamulka Farmaajo inuu la fariisto, lana xalliyo Khilaafka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ugu yeereysaa Villa Somalia iney la kulanto dhammaan dowladaha xubnaha ka ah sida uu qabo dasruurka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka waxaa sidoo kale waxaa ku xusnaa “ Waxaa baahi weyn loo qabaa ka qeybgalka iyo iskaashiga dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xalliyo kala qeybsanaanta siyaasadeed, waxna looga qabto deyn cafinta iyo ka jawaabista Covid 19”.

Saacado kahor, aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu guddi u saarayo wada hadal dhexmara dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah.

Goobjoog News