U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Wacad Ku Maray In Uu Sii Wadi Doono Howl-galada Alshabab ee Gobalka

Sheeko:Amniga

Taliska Ciidamada Mareykanka Qaaradda Africa ee magacooda loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in la dhameystiray howlaha ka bixitaanka Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya .

war saaxafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Taliska uu sii wadi doono howl galadiisa ka dhanka Al-shabab.

Gen. Stephen Townsend, tiliyaha ciidamada Mareykanka ee Africom iyo wafdi uu hogaaminayo oo Todobaadkan Bilawgiisa gaaray Xarunta Taliska ee Manda Bay ayaa kulama la qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada AFRICOM , waxa uuna taliyaha sheegay in la sii howl gali doono ciidamada .

“Xoogaggeenna M Bariga Afrika waxay diiradda saarayaan oo ay garwaaqsanayaan hanjabaadaha aan wajahayno. Waxaan diyaar u nahay inaan caawinno walaalaheena oo aan woodno inaan ka jawaabno khatar kasta oo ku saabsan danaha Mareykanka ee gobolka,” ayuu yiri Townsend.

Townsend ayaa intaasi hadalkiisa ku sii daray “Al-Shabanb waa cadow arxan daran oo khatar badan ku ah Ameerika iyo Afrika ,  Waxaan sii wadaynaa inaan si dhaw ulashaqeyno wada-hawlgalayaasha si aan hoos ugu dhigno awoodda al-Shabaab ee fulinta howlgallada iyo faafinta rabshadaha. Amniga Ameerika iyo Afrika ayaa ku tiirsan.”

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu soo gabagabeyay in mareykanku uu xoojin doonno xiriirka Tabarada , amaanka iyo Howl galada .