U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Wareer Ku Dilay Hogaamiyaal Sare-Sare Oo Ka Tirsan Al-Shabaab

Sheeko:Amniga

Bayaan kasoo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in jimcihii duqeyn cirkaa ah oo ay ka fuliyeen deegaanka Saaxa Weyne ee ka tirsan gobolka Bay ay ku dileen shan kamid ah hogamiyaasha ugu sareeyo Al-Shaab iyakoo garab ka helaya Ciidamadda dolwadda.

Qoraalka ay soo saareen, militariga Mareykanka waxay ku sheegeen in mid ka mid ah hogaamiyaasha la dilay ee al-Shabaab ay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday ciidamada militariga Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya. Iyakoo intaa sii raaciyay in hogaamiyasha la dilay ay ahaayeen kuwa horay liiska ugu jiray oo baadi goob lagu hayay.

Taliyaha Ciidamada Cirka ee Mareykanka Maj. Gen. Dagvin Anderson, oo ah taliyaha ciidamada isku dhafka ah-Quartz, ayaa yiri: “Duqeyntan waxaa lagu bartilmaameedsaday hogaamiyaasha al-Shabaab ee horay loo yaqaanay kuwaasoo fududeeyn jiray howl-galadda, dhaqaalaha, hubka, iyo waxyaabaha qarxa. Iyadoo mid kamid ah ayaa looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa weerar hore oo ka dhan ah oo lagu qaaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya. ”

dhanka kale taliyaha ciidamada Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage Isagoo la hadlayey telefishanka dawladda Soomaaliya, wuxuu sheegay in sideed ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee al-Shabaab lagu diley duqeynta, oo uu ku jiro Mukhtaar Nuurow oo kamid ah hogaamiyaasha dhaq-dhaqaaga Al Shabaab.

Wili wax war ah oo ku aadan weerarkaan ay fuliyeen Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Somaliya wax war ah kama aysan jawaabin Al-Shabaab.