U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Xaqiijiyay Weerarka Sakow

Sheeko:Dalka

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay weerar ay ciidamada Mareykanka iyo Komandosta Soomaalida ka geysteen magaalada Sakow ee Jubbada dhexe.

Xiriir ay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da la sameysay waaxda ayey sidaa u sheegtay, Mareykanka waxaa sheegayaa in ay jiraan labo weerar oo halkaas ka dhacay, mid Mareykanka iyo ciidamada Soomaalida ay wada galeen iyo mid kale oo ciidanka dowladda uu qaaday, kan hore 3 ayaa ku dhimatay halka mid dambe aan laheyn sida ay wax u dhaceen.

Goobjooge ku sugan magaalada Sakow ee Jubada dhexe oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa Goobjoog News u sheegay isniintii in weerar 3 maalin ka hor ay ku soo qaadeen Sakow ciidamo Soomaali oo garab ka helay ajaanib oo waddey labo diyaarad.

Goobjoog News