U bood dhigaalka

Mareykanka waxa uu soo dhoweeyay heshiiska dhex maray dowladda iyo maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty waxa uu soo dhoweynayaa heshiiskii taariikhigaa ahaa ee 14kii October lagu saxiixay magaalada Garowe, kaas oo u dhaxeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Heshiiskaan laba iyo tobonka qodob ee muhiimka ah ka kooban ayaa aasaas weyn u ah geedi socodka dhismaha qaranka. Heshiiskaan waxa uu muujiyey sida ay uga go’an tahay labada dhinac in ay tusaale u noqdaan qorshayaasha socda iyo wadahadalka mustaqbalka dhexmaraya dowladda federaalka ah iyo xubnaha dowladaha ku mideysan federaalka si loogu sii socdo dhismaha nabadda, ammaanka iyo deganaanshaha ee dhammaan Soomaaliya. Heshiiskaan wuxuu sidoo kale xaqiijinayaa kaalinta dowladaha federaalka ah ee ku aadan fahamka dastuurka ee arrimaha federaalka.

Wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya McAnulty ayaa u mahad celiyey Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Yurub oo fududeeyey heshiiskaan taariikhiga ah. Mareykanka waxaa si buuxda uga go’an taageeridda dowladda federaalka iyo Puntland dedaalkooda wada jirka ah ee lagu horumarinayo Soomaaliya, kaas oo si dhab ah uga turjumaya ajandahooda ku aadan nabadda iyo dhismaha dowladeed. Mareykanka waxa uu diyaar u yahay taageeridda hirgalinta heshiiskaan. Waxaan ku boorineynaa isbaheysigaan cusub ee la xoojiyey in uu ka faa’iideysto awoodda geedi socodka dhismaah qaran iyo sii socoshada horumarka bilaha soo socda si dib loogu eego, loona hirgaliyo dastuurka federaalka ah iyo xaqiijinta doorashooyin la qabto 2016ka.