U bood dhigaalka

Marka: AMISOM oo lagu eedeeyay duqeymo ay dad ku dhinteen

Sheeko:War
AMISOM troops
Ciidamo ka tirsan AMISOM

Maamulka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose ayaa Taliska Ciidamada howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ku eedeeyay inay dad rayid ah ku xasuuqeen halkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Marka dhanka Amniga iyo Siyaasadda Baarliin Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegtay in Ciidamada AMISOM markii qarax lagula beegsaday Magaalada ay madaafiic ku rideen shacabka Magaalada Marka.

Waxa ay sheegtay in Ciidamada AMISOM ay dayaceen kaalintii kaga aadaneyd ammaanka degmada iyo nabad galyada shacabka Marka, iyadoo ku baaqday in ay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan ciidamada AMISOM xilliyada weerarada lagu soo qaado.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay qarax lagula eegtay xaafada Ruusi ee magaalada Marka.