U bood dhigaalka

Marka: Barakacayaal Ku soo Noqonaya Degmada iyo AMISOM oo Xarumo Ka Dhigtay Goobihii Waxbarashada

Sheeko:Dalka

Magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelada hoose ayaa la sheegayaa in barakacayaashii ay bilaabeen in dib ugu soo noqdaan magaalada kadib dagaalo beelo ah oo halkaas ka dhacay.

Maamulka degmada Marko ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dadkii ka barakacay degmadaasi ay dib ugu soo laabtaan kadib dagaallo qabaa’il.

Guddoomiyaha magaalada Marko Xasan Cumar Macallin ayaa sheegay in weli aysan si fiican u furmin goobihii bulshada sida waxbarashada iyo ganacsiga.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay fariisimo ka dhigteen xarumihii waxbarashada ee degmada Marka arrintaas oo carqalad ku ah adeega waxbarasho.

Gudoomiyaha waxa uu xusay in  dadaalkooda ay ku bixin doonaan  sidii dadku ay u heli lahayeen goobaha loogu adeego sida caafimaadka iyo waxbarashad.

Magaalada Marka ayaa  u muuqata hada  in ay ka soo kabsanayso dagaalo xiriir  ah oo dadka magaalada ku riixay in ay ka cararaan aqaladooda.

Goobjoog News