U bood dhigaalka

Markab Kusoo Caariyay Xeebta Degmada Eyl Ee Gobalka Nugaal

Sheeko:Dalka

Markab Kalluumeysi oo ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa in uu kusoo caariyay xeebta degmada Eyl ee gobalka Nugaal.

Maamulka degmadaasi iyo ciidamada badda Puntland ayaa u gurmaday shaqaalihii markabkaasi saarnaa oo tiradooda la sheegay inay dhameyd 34.

Markabkaan ayaa ku gooshayay calanka Kuuriyada Waqooyi, waxaana dhammaan shaqaalihii saarnaa si nabad ah loo geyay magaalada Garoowe ee caasimadda gobalka Nugaal.

Gudoomiyaha degmada Eyl Muuse Cismaan ayaa u sheegay Goobjoog News, in markabkaan oo la yiraahdo Al Amal shaqaalihii la socday ay u kala dhasheen dalalka kala ah 12- qof oo Indonesia, 14 Kenya u dhashay, 2 Yemen ah iyo 6 qof oo u dhalatay wadanka Vietnam.

“Markabkaan waxa uu kusoo caariyay meel la yiraahdo Gaala-ood oo dhinaca Koonfureed ka xigta degmada, waxaana markabka uu ahaa mid kalluumeysi, dhammaan waa lasoo badbaadiyay, guud ahaan waxaa la geeyay magaalada Garoowe” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhowr markab oo Kalluumeysi ah ayaa sidaan oo kale ugu soo caariyay xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Puntland, kuwaasi oo qaarkood si sharci darro ah xeebaha dalka uga kalluumeysta.

Goobjoog News