U bood dhigaalka

Markab Laga Leeyahay Dalka Jarmalka Oo Badbaadiyey Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Soomaali

Sheeko:Dalka

Markab laga leeyahay dalka Jarmalka kana mid ah kuwa NATO ee xeebaha Soomaaliya ka ilaaliya kooxaha burcad badeedda ayaa lagu soo waramayaa in badda cas uu ka badbaadiyey tahriibayaal ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo kusii socday dalka Yemen.

Tahriibayashaan ayaa tiradoodu waxaa lagu sheegay 92 qof, waxaana la degtay doonidii ay saarnaayeen, iyadoo markabkan uu soo badbaadiyey xilli ay badda dul sabeynayeen.

Fiinimadii xalay ayaa lasoo sheegayaa in markabkaan uu dadkani kasoo dejiyey dekadda Magaalada Boosaaso.

Dadka la badbaadiyey waxay badda dul sabeynayeen muddo 5 cisho ah, waxaana 7 ka mid ah la sheegay inay yihiin Soomaaliyeed, halka 85 ay u dhasheen dalka Itoobiya.

Xaaladooda caafimaad guud ahaan dadkani waa mid wanaagsan, inkastoo ay jiraan 2 qof oo dadkaasi ka mid ah ayna ku jirto haweeney uur leh oo la geeyey Isbitaalka Boosaaso.

Xeebaha Boosaaso waxaa marar badan qaab tahriib ahaan ah uga baxay dad u badan Soomaali, waxayna isku dayaan inay aadaan dalka Yemen.

Goobjoog News