U bood dhigaalka

Markab Sida Mujaajiriin Afrikaan Ah Oo Loo Diiday Inuu Ku Xirto Dekadaha Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Markabka The Aquarius oo ay saaran yihiin 629 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa loo diiday inuu ku xirto dekadaha Talyaaniga iyo Malta, xilli la sheegayo in dadkan ay xaalad adag ku sugan yihiin.

Kooxda Samafalka ee SOS Mediterranee ayaa waxay sheegeen in 400 ka mid ah dadkaan ay soo badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga, islamarkaana markabkaasi soo saareen, halka markabkuna soo badbaadiyey 229 qof.

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa amray in markabkaan loo ogolaan xeebaha dalkaasi, halka Malta iyana ay sheegtay inaanay qaabili karin muhaajiriintan, maadaama hay’adda hadda wadda laga leeyahay Jarmalka.

Dadka markabka saaran waxaa ka mid ah 123 qof oo aan qaan gaarin islamarkaana aanay jirin cid la socota iyo sidoo kale 7 haween oo xaamilo ah.

Shaqaalaha markabkan waxay sheegayaan in aanay hayn cunto dheeraad ah, kaliya haystaan cunto illaa Saddex cisho ku filan.

Weli jawaab kale lagama hayo Malta iyo Talyaaniga, waxaana jirta cabsi ah in xaalad adag ay galaan muhaajiriintan Afrikaanka ah eek a tahriibay Liibiya.

Wasiir Matteo Salvini ayaa markii uu xisbigiisa ku jiray Ololaha doorashada sheegay in waxaugu horrreeyo ee qabanayaan tahay celinta soo galootiga iyo in dalkaasi laga musaafuriyo Nus Milyan qaxooti aan sharci haysan.

Goobjoog News