U bood dhigaalka

Markab Soomaali fara badan  Yemen Kasoo Qaaday oo Ku soo Wajahan Boosaaso

Sheeko:Dalka

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in uu soo gaaro Dekadda Boosaaso markii ganacsade Cabdi Faarax uu ku deeqay in Qaxootiga Soomaaliyeed kasoo daabullo dalka Yemen.

Markabkan Nawal 3, Waxaa saaran in ka badan 2 Kun oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah, waxaa laga soo qaaday Mukallah, dhamaantood wax lacag ah lagama qaadin si dalka dib ugu soo laabtaan.

Markabkan la socda Gudiga Badbaadinta iyo Samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed, Dhakhaatiir iyo Wariyeyaal ka tirsan Idaacadda Goobjoog.

Markabka Khamiistii shalay aheyd abaare 4 –tii galabnimo ayuu kasoo dhaqaaqay Dekadda Mukallah ee dalka Yemen.