U bood dhigaalka

Markabka Nawaal 3 Oo Caawa Ku Xiranaya Dekadda Mukalla Ee Yemen

Sheeko:Dalka

Todobada  Fiidnimo ee Caawa ayaa lagu wadaa in dekadda Magaalada Mukalah ee Dalka Yeman uu ku xirto Markabka Nawaal 3, kaas oo mar kale Dalka Yeman ka soo qaadi doono Soomaali  halkaasi ku go’doonsan.

Mowjadaha Badda oo kacsan ayaa sababay in xawaaraha Markabka uu ku socday la yareeyo, taas oo dib u dhigtay  saacadii loogu tala galay in Markabka uu ku xirto Dekada Mukallah.

Wariyaasha  Goobjoog FM  Maxamed Salaad cusmaan  iyo Away Xaaji Nuur ayaa dul saaran Markabka Nawaal Sadax waana socodkii Labaad oo ay ku tagayaan Mukallah, ka dib markii Markabka ay ka raaceen Muqdisho, dadkii ugu horeeyayna laga soo qaaday halkaasi.

Kumaan Qof oo Soomaaliyeed ayaa  ku diyaarsan Dekada  Magaalada Mukalah oo kol sii horeysay Markabkaan uu ka soo qaaday in ka badan 2 kun oo Qof.

Wariye Maxamed Salaad oo aynu qadka taleefanka kula hadalnay isaga oo dul saaran Markabka ayaa inoo sheegay in Dekadda ay caawa ku xiranayaan, lana soo daabulayo Soomaali badan.

Markabka Nawaal 3 waxaa ku deeqay Ganacsade Soomaaliyeed si loogu soo badbaadiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Goobjoog News