U bood dhigaalka

Markabka Nawaal 3 Oo Yemen Kasoo Qaadayo Soomaali Badan

Sheeko:Dalka

Magaalada Mukallah ee Dalka Yemen waxaa 23-kii bishaan ku xirtay markabka Nawaal 3 oo ganacsade Soomaaliyeed ugu tala galay in lagu soo daabulay Soomaali aad u badan.

Ku dhawaad 2,000 (Laba Kun) oo Soomaali Qoxooti ku ahayd dalka Yemen ayaa soo gaaray Magaalada Mukallah kuwaasi oo ka kala yimid Magaalooyinka kale ee Dalka yemen.

Dadka ayaa doonaya in ay soo raacaan markabka oo la Qorsheynayo inuu mar kale soo qaado Qoxootiga Soomaalida ah ee ku dhibaateysan dalka Yemen.

Wariyaha Goobjoog News Maxamed Salaad Cismaan oo ka mid ah Suxufiyiinta wariyayaasheena ee Saaran Markabka ayaa soo sheegay in la bilaabayo soo saaridda Markabka dadkaan shacabka ah.

Markabka waxaa ku diyaarsan biyo, Joodariyaal, Caano, Buskut, daawooyin iyo agab kale oo loogu tala galay in dadka ay isticmaalaan mudada ay safarka soo yihiin.

Goobjoog News