U bood dhigaalka

Markabka Nawaal Oo Markii Seddaxaad Dad Kasoo Daabulaya Yemen (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Mashquul aad u xooggan ayaa dekedda magaalada Mukalla ka jiray tan iyo 24- saac ee lasoo dhaafay.

Gudiyada ka shaqeynaya arrimaha qaxootiga, maamulka gobolka Xadarmuud iyo kan magaalada Mukalla, shaqaalaha markabka nawal 3 iyo shaqsiyaad si iskood ah isu xilqaamay ayaa ka shaqeynaya sidii marka hore loo rari lahaa allaabooyinka culus ee ay wataan dadka ambabaxaya.

Mashquul iyo dhaqdhaqaaq aan ka yareyn midka dekedda ka socda ayaa sidoo kale ka jira iskuulada ay dadku deganyihiin ee ku kala yaalla magaalada mukalla, deegaanka buweysh iyo xarshiyaad.

Dadka ayaa aad u faraxsan maadaama safarkan waqti badan la sugayay oo ah tan iyo maalmihii dabayaaqada bishii barakeysneyd ee ramadaanka.

Qaar ka mid ah dadka isu diyaarinaya in ay raacaan markabka oo ay soomaaliya u safraan ayaa la hadlay idaacadda goobjoog oo ka warramay dareenkooda iyo diyaargarowga xilligan ay ku jiraan sida uu yahay.

Ku dhawaad Seedex kun oo ruux ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda gudahood loo qaado dalka soomaaliya kuwaasoo intooda badan ka soo cararay xaafadaha magaalada cadan ee wadankan yemen.

Maxamed Shire Cali oo ka mid ah guddiga jamciyadda Saciida ee howlaha qaxootiga Soomaaliyeed, ayaa Goobjoog uga warbixiyey tirada dufcadda uu markabku qaadayo doorkan iyo sida ay howshu u socoto.

Waa markii sadexaad oo uu markabkan Nawal 3 dadka qaxootiga ahi ka qaadayo magaaladan mukalla oo uu dadka u daabulayo dekedda magaalada boosaaso ee maamulka puntland.

Sidoo kale waxaa horey dhowr jeer Mukalla dad isugu jira Soomaali iyo Yemen uga qaaday doonyo kuwa xamuulka ah, kuwaas oo qarashka ay dadka ku qaadayeen ay bixiyeen dad samafalayaal ah oo yemen ku nool.

Howsha gurmadka ee dadka halkan ku dhibaateysan loogu sameynayo ayaa weli ka socota wadankan Yemen iyo sidoo kale magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

Qoysaska qaar oo aan kula kulanay iskuulada ay degan yihiin ayaa noo sheegay in ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan magaalada cadan oo ay markii hore ka soo carareen laakiin waa marka la hubiyo xaaladda magaaladaasi oo laba todobaad ka hor dib gacantooda u gashay ciidamada koonfurta ee taabacsan madaxweyne Cabdu Rabi Mansoor.

Hoos ka daawi sawirada

DSC04540 DSC04551 DSC04553 DSC04554 DSC04557 DSC04558 DSC04565 DSC04566 DSC04588 DSC04776 DSC04777 DSC04779 DSC04807 DSC04855 DSC04857 DSC04859 DSC04863 DSC04534

 

Aweys Xaaji Nuur.
Goobjoog Fm
Dekedda Mukalla.