U bood dhigaalka

Markabka Nawaal Seddax Oo Ku Dhow Dekadda Boosaaso

Sheeko:Dalka

Markabka Nawaal Seddax oo kasoo shiraacday dekadda Magaalada Mukalla ee dalka Yemen ayaa haatan kusoo dhawaaday dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Wariyaheena Aweys Aar oo saaran Markabkaasi ayaa sheegay in daqiiqado ka dib ay ku xiran doonaan dekadda Boosaaso, waxaana markabkaan saaran dad ku dhaw 4 kun oo qof.

Dadka qaar ee saaran markabka ayaa xanuunsan, waxaana dadkaasi ay ka mid ahaayeen kuwo dhibaato kula soo kulmay Yemen, hase ahaatee waxaa xaaladooda caafimaad gacanta ku haya dhaqaatiirta saaran markabka.

Soomaalida saaran Markabka waxaa ka muuqda farxad ballaaran, maadaama dalkooda hooyo loo soo qaaday.

Dadkani ayaa u mahad celiyay ganacsadaha Soomaaliyeed ee Markabka Nawaal Seddax ku yaboohay, waxaana ay sheegeen in muwaadiniinta looga baahanyahay sidaan oo kale in walaalahooda ugu damqadaan.

Waa markii Labaad oo Markabka Nawaal uu dad kasoo badbaadiyo dalka Yemen, waxaana dadka hadda la wado u badan Haween iyo Caruur.

Goobjoog News ayaa ka damqatay dhibaatada ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan, waxaana ay bilawday Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo dadaalkaan uu ka dhashay.

Goobjoog News