U bood dhigaalka

Markabka Nawaal Seddax Oo Soo Gaaray Boosaaso Iyo Dadkii Saarnaa Oo Laga Dejiyay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Gabal dhacii shalay waxaa dekadda Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari kusoo xirtay markabka Nawaal Seddax, kaasi oo waday in ka badan 2-kun oo Qof, kuwaasi oo laga keenay dalka Yemen.

Markabkaan waxaa saarnaa dad u badan Haween iyo Caruur, kuwaasi oo ka mid ahaa Soomaalida ku dhibanaa Yemen, lagana soo badbaadiyay halkaasi.

Dadkaan ayaa Markabka laga dejinayay Illaa xalay Seddax Saac, waxaana dadkaan dekadda kusoo dhaweeyay Guddiga Badbaadinta iyo Samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed oo uu horkacayay gudoomiyahooda Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Guddiga Gurmadka ee Boosaaso, maamulka degmadaasi iyo kan gobalka Bari, dhaqaatiir iyo dad kale.

Guud ahaan dadka la keenay ayaa xaaladooda waxa ay ahayd mid aad u wanaagsan, waxaana la geeyay xero loogu tala galay in lagu nasiyo, iyadoo ka dibna halkaasi laga sii amba bixin doono.

Wariyaasheena Maxamed Salaad iyo Aweys Aar oo Markii Sedaxaad Markabka Nawaal la tagay dalka Yemen ayaa hadda waxay ku sugan yihiin Boosaaso, waxaana ay soo sheegayaan in safarkoodii ugu dambeeyay aanay wax dhibaato ah lasoo kulmin.

Hoos ka arag Sawirada

DSC05655 DSC05656 DSC05667 DSC05669 DSC05671 DSC05674 DSC05678 DSC05620 DSC05627 DSC05631 DSC05640 DSC05642 DSC05645 DSC05646 DSC05653