U bood dhigaalka

Markabkii Nawal oo Qaxooti Kasoo Daabuley Mukkala

Sheeko:Dalka

Markii loo direy dalka Yemen si uu usoo samatobixiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaasi ku xaniban ayaa soo qaaday illaa iyo labo kun oo qof.

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena markabka dushiisa saaran Maxamed Salaad, dadka markabka soo fuuley ayaa waxa ay 70% u badanyihiin haween iyo caruur, kuwaasi oo markiiba markabka soo buuxdhaafiyey.

Wariyaheena ayaa soo sheegey in dadka qaarkood ay ka muuqatay duruuf nololeed oo aad u daran maadaamaa ay ka yimaadeen magaalooyin ka fogfog Mukkala.

Waxaa magaalada ka taliya maleeshiyaad qabiil iyo ururo islaamiyiin ah oo hubeysan, kuwaasi oo gacan siiyey Soomaalidii halkaasi laga soo daabulayay.

Goobjoog News