U bood dhigaalka

Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo Aas Qaran Muqdisho Loogu Sameeyey

Sheeko:Amniga

Allah unaxariistee waxaa maanta khubuuraha ku yaalla Isbitaalka xoogga qaranka ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir aas qaran loogu sameeyey meydka xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo Nabadooonkeedii, kuwaas oo habeen ka hor u geeriyootay dhaawacyo  kasoo gaaray qarax lagula eegtay gudaha magaalada Baladweyne.

Maydka marxuumadda ayaa maalinimadii shalay waxaa laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana gudaha garoonka lagula tukaday Salaadii Janaasada, waxaana qeyb ka ahaa Ra’iisalwasaare Rooble  iyo madaxdii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh iyo guddoomiyey Maxamed Mursal.

Dadkii ka qeyb galay aaska xildhibaannada iyo nabadoonkeeda ayaa waxaa ay Alle uga baryeen inuu naxariista Janno uu siiyo, waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin, iyadoo dowladda iyo maamulka Hirshabeelle ka dalbaday in baaritaan lagu sameeyo qaraxii lagu dilay 48 ruux oo ay ku jirto iyo dhaawac 109 ruux oo kale.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan shalay ka qeyb galin salaadii lagu tukaday marxuumadda, halka ay goobjoog ahaayeen Ra’iisalwasaaha dalka iyo guddoonka labada aqal, waxaana la arkayey madaxweyne Xasan Sheekh oo Ilmada ceshan waayey markii ay socotay ducadii marxuumad Aamina.

Goobjoog News