U bood dhigaalka

Masaajid Ku Yaallo Zurich Oo Dad Lagu Dhaawacay

Sheeko:Dalka

Dabley dhar madow xiran ayaa la sheegayaa in xabado ku fureen masaajid ay ku dukadaan dad Soomaali ah oo ku yaalla magaalada Zurich, sidaa waxaa sheegay booliiska magaalada.

Booliiska waxaa ay baarayaan sababra keentay weerarka, waxaa ay baarayaan in uu ahaa fal argixiso ah, waxaa ay sidoo kale baarayaan in uu xiriir la lahaa fal ka dhacay Perlin iyo in kale.

Dadka dhaawacmay  oo Isbitaalka la geeyay waa 30 jir, 35 jir iyo 56 jir, laakin weli lama sheegin dalka ay u dhasheen, qofka weerarka soo qaadey waxaa lagu qiyaasay ilaa 30 jir.

Goobjoog News