U bood dhigaalka

Masar: 41 Qof oo ku dhimatay dab ka kacay Kaniisad

Sheeko:Amniga

Inta la xaqiijiyay 41 qof ayaa ku geeriyootay, halka 14 qof ay uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii dab uu ka kacay kaniisadda Coptic oo ku taalla magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar.

Dowladda Masar ayaa dhankeeda bilawday in loo gurmado dadka dabka uu saameyay sida uu sheegay madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi.

Copts waa bulshada masiixiyiinta ah ee ugu badan bariga dhexe, waxaana Masar ku nool oo 10 milyan oo qof, kuwaas oo kamid ah 103 milyan oo qof oo Masar ku nool.

Goobjoog News