Masar: 53 Kamid Ah Ciidamada Ammaanka Oo La Dilay

Madaxda Dalka Masar ayaa sheegay in 53 ka tirsan ciidamada ammaanka dalkaasi la dilay ka dib markii ay iska horumaad uu ku dhexmaray iyaga iyo kooxo hubeysan  gobolka saxaraha galbeed.

Kooxahaan hubeysan ayaa waxay rasaar ku fureen ciidamada kuwaasi oo ku guda jiray howlo baaritaano ah sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar.

Iska horumaadka ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay 15 ka mida kooxihii weerarka ku soo qaaday ciidamada,kuwaas oo la aaminsanyahay inay ka tirsanyihiin  kooxda lagu magacaabo  Xasma sida ay sheegayaan warbinnada.

Kooxda Xasma ayaa waxay ka mid tahay kooxaha hubeysan ee weerarada kawada dalkaasi Masar.

Ciidamada ammaanka Masar  ayaa waxay howlgallo kawadaan waqooyiga magaalada Siinaay halkaasi oo ay ku baacsanayaan kooxaha hubeysan ee saldhigyada ku leh Jasiiradda galbeedka Masar.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW