Masar: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Bar Contarol

Waxaa dhintay sideed(8) ka mida ciidamada Boliska waddanka Masar saddex(3) kalana waxaa soo gaaray dhaawac markii kooxo hubeysan ay weerar ay ku qaadeen bar control ay ku sugnaayeen ciidamada Masar oo ku taallo koonfurta wadanka.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa waxay sheegtay inuu weerarka uu ka dhacay meel 80 KM u jirta magaalada Khaarija halkaas oo ay ku sugnaayeen qaar ka mida ciidamada ammaanka Masar waxayna wasaaradda ay sheegtay labo ka mida kooxihii weerarka soo qaaday in la dilay .
Dhanka kale Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ayaa waxa uu sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah in loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Khaarija waxa uu intaas ku daray in xaaladda dadka dhaawaca ah ay qaarkood dhexdhexaad ay tahy xaaladooda.