U bood dhigaalka

Masar: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay  Weerar Lagu Qaaday Bar Contarol

Sheeko:Dalka

Waxaa dhintay sideed(8) ka mida ciidamada Boliska waddanka Masar  saddex(3) kalana waxaa soo gaaray dhaawac markii kooxo hubeysan ay weerar ay ku qaadeen bar control  ay ku sugnaayeen ciidamada Masar oo ku taallo koonfurta wadanka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa waxay sheegtay inuu weerarka uu ka dhacay meel 80 KM u jirta magaalada Khaarija halkaas oo ay ku sugnaayeen qaar ka mida ciidamada ammaanka Masar waxayna wasaaradda ay sheegtay labo ka mida kooxihii weerarka soo qaaday in  la dilay .

Dhanka kale Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ayaa waxa uu sheegay  in dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah in loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Khaarija  waxa uu intaas ku daray in xaaladda dadka dhaawaca ah ay qaarkood  dhexdhexaad ay tahy xaaladooda.