U bood dhigaalka

Masar Oo Cambaareysay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii xoogganaa ee Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Beerta ee degmada Waaberi, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Masar Axmed Abu Zeid said oo ku saxiixnaa qoraal kasoo baxay wasaaraddaasi ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay aad uga xunyihiin weerarkaasi.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in weerarkaan uu yahay mid lagu carqaladeynayo xasilooni iyo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya, islamarkaana yahay weerar la doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagu qalqal geliyo.

“Dowladda Masar waxay aad uga walaacsan tahay qaraxyada argagaxiso ee ka dhaca Muqdisho, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsanayo nabadda, xasiloonida iyo dib u kabashada Soomaaliya, waxaan ka xunnahay weerarkii ay Sabtidii ku dhinteen rayidka aan waxbo galabsan, waxaana ku cambaareynaynaa weerarkaasi cod dheer” ayuu yiri  Axmed Abu Zeid

Gaari laga soo buuxiyey walaxaha qaraxa ayaa abaare duhurnimadii shalay waxa uu ku qarxay afaafka hore ee suuqa Beerta ee degmada Waaberi, waxaana halkaasi ku dhintey dad ka badan 15 qof, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Goobjoog News