U bood dhigaalka

Masar Oo Culeys Diblomaasiyadeed La Saaray Kadib Dilka Cilmi Baare Taliyaani ah

Sheeko:Dalka

Xiriirka  Diblumaasiyadeed ee dowladaha Masar iyo Talyaaniga ayaa maalmihii ugu dambeeyay aad u sii xumaanayay, ka dib dilkii cilmi baarihii Talyaaniga ee Giulio Regeni, kaas oo meydkiisa oo jirdil xoogani ka muuqdo laga helay caasimadda Dalka Masar ee Qaahira.

Talyaaniga ayaa safiirkiisa dalka Masar dib ugu wacay qaab ay ku tilmaameen la tashi, ka dib laba maalmood oo wadahadal ah una dhaxeeyay Masar iyo Talyaaniga oo ku soo dhamaaday is faham darro, markii wafdigii Masar uu ku guul darreystay qancinta dhigooda dalka Talyaaniga, wafdiga Masar ayaa waxa uu Talyaaniga hor dhigay natiijada baaritaanadii lagu sameeyay dilka Rejeni oo ka koobnaa illaa 2kun oo warqadood, laakiin Sharaxaadda ay Masar ka bixisay dilka waxashnimada ah ee Regeni uu ku dhintay gacanta koox burcad ah aaney qancin dhinaca Taliyaaniga

Talyaaniga ayaa ku adkeysanaya in ay Masar u gacan galiso, wadahadalkii Teleefoonada Regeni iyo dadka deriskiisa ahaa, laga soo bilaabo waqtigii la afduubay iyo sawiradii ugu dambeeyay ee kaamirooyinka qarsoon ee xarun tarreenada laga raaco, halkaas oo ahayd meeshii ugu danbeysay ee Regeni oo nool lagu arko, codsiga Talyaaniga ayaa ah mid aad ugu adag dalka Masar, maadaama aanuu sharcigu ogoleyn in la dhageysto teleefoonada shacabka, isla markaana uu gaari karo 2milyan oo wadahadal Telefoon ah.

Waxaa jira shaki ay muujinayaan kooxda baaritaanka Talyaaniga, oo aan wax cadeyn ah loo hayn, isla markaana ay buun buuniyeen wargeysyo caalimi ah oo oroneysa in salkaal boolis ah uu ka dambeeyo dilka Regeni.

Waxay sheekadu u muuqataa in Roma ay tixgelineyso codsiga aabaha Rejeni oo ah in Masar cadaadis badan la saaro si loo gaaro xaqiiqada dhabta ah ee ka dambeysa dilka Regeni.

Masar ayaa lacago boqolaal milyan oo dollar ka hesha dalxiisayaasha Talyaaniga ee dalkeeda, haddii Talyaanigu uu si rasmi ah xiriirkiisa u jarto dhibaato culus oo dhaqaale ayaa ugu sugan.

Ugu dambeyn, Maydka Regeni waxaa laga helay meel waddo ah oo u dhaw magaalada Qaahira, waxaana jirkiisa ka muuqdo jirdil xoog badan 3 Febraayo 2016, iyadoo wasaaradda arrimaha gudaha Masar ay  ku sababeysay dilka inay ka dambeyso sababo aargoosi ah ama faldambiyeed lala bar tilmaameedsaday Regeni.

Goobjoog News