U bood dhigaalka

Mashquul Fara Badan Oo Laga Dareemayo Suuqayada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maanta oo ah maalintii ugu dambeysay ee bisha Barakeysan Ramadan ayaa guud ahaan suuqayada magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa mashquul aad u badan.

Shacab badan ayaa suuqayada aad u buux dhaafiyey, waxaana ay yihiin kuwo Dukaameysanaya si ay ugu dabaal degaan Ciidul Fidriga.

Suuqayada waaweyn ee kala ah Bakaaro, Suuq-bacaad, iyo X/weyne ayaa ah meelaha sida aadka ah mashquulka looga dareemayo.

Caruur fara badan ayaa suuqayadaasi loo soo kaxeeyay si loogu iibiyo dharka ay ku ciidi lahaayeen, walow mashquulkii ugu badnaa shalay uu jiray.

Dhanka kale waxaa aad u mashquul ah goobaha lagu iibiyo laguna sameeyo macmacaanka sida Buskutka iyo Xalwada.

Dadka ayaa ah kuwo buux dhaafiyey xarumahaasi, waxayna dadka kuu sheegayaan inay aad ugu diyaar garoobayaan ciidda.

Goobaha timaha lagu jarto iyo meelaha cilaanka lagu saaro sidoo kale mashquul badan baa laga dareemayaa, waxaana la arkayaa caruur badan oo la qurxinayo, dadka waaweyn qudhooda meesha kama maqna.

Maalinta berry ah waxay ku beegan tahay maalinta Kowaad ee Shawal, waxaana dadku yihiin kuwo u diyaar garoobay in si farxad leh ku ciidaan.

Goobjoog News