U bood dhigaalka

Mashruuc shaqo loogu abuurayo dadka Danta yar oo ka bilawday magaalada Jowhar (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharMagaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe waxaa ka bilawday mashruuc la sheegay in shaqo abuur loogu sameynayo dadka danta yare e ku sugan magaaladaasi, waxaana mashruucaan iska kaashanaya maamulka Gobalkaasi, kan degmada iyo Hay’ado kale.

Barnaamijkani waa mid shaqo loogu abuurayo dadka ku dhaqan magaalada Jowhar waxaana maamulka gobalka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ka gacan siinaya hay’ado ka shaqeeya dhanka beni’aadanimada oo Qaramada Madoobe hoostaga, iyadoo la doonayo in qof walba oo ku dhaqan magaaladaasi uu la tuso in kaligiis uu wax qabsan karo.

Gudoomiyaha Magaalada Jowhar Maxamed Caqiil Xaaji Cismaan ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu tala galay in dadka ay kaligood wax ku qabsadaan, looga faa’ideysano dhaqashada xoolaha iyo wax soo saarka beeraha, waxaana uu tilmaamay in laga soo min guuriyay qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Waxa uu intaasi ku daray Gudoomiye Caqiil in qorshahaan ay aad ugu haminayaan in reer Jowhar ay shaqaystaan, kana maarmaan waxyaabo gar gaar ah ama in la caawiyo.

Kani waa mashruuc hadii uu dhaqan galo ay reer Jowhar uga kaaftoomi doonaan in dalag dibadda laga soo iibiyay loo qeybiyo barakacayaasha ku dhaqan Jowhar, waana sidoo kale mid fursad muhiim ah siin doona ganacsatada ku dhaqan gobalka Shabeelaha Dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News