U bood dhigaalka

Masjidka Arbaca Rukun Ee Magaalada Muqdisho Oo Dib Loo Dayactirayo

Sheeko:Dalka

Hay’adda Isra ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa dib u dayactir ku sameynayso masjidka Arbaca Rukun oo ka mid ah Masaajidda ugu waqtiga dheer ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Cabdiqaadir Cali Ibraahim ayaa maanta dhagax dhigay qorshaha lagu dayactirayo Masjidka Arbaca Rukun oo burbur xoogan uu ka muuqanayo.

Wasiirka oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in farxad ay u tahay in uu maanta dhegax dhigo Masjidka  Arbaca Rukun oo dib loo dhisi doono, waxaana uu sheegay in marka Masjidka la dhiso ay ka faa’ideysan doonaan umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hay’adda Isra ee masjidka dhiseysa ay soo bandhigtay qarash ku filan socodsiinta howsha, balse shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan socodsiintiisa iyo in muddo dheer uu sii jiro.

Masjidka Arbaca Rukun ayaa dhisan in ka badan 8 qarni, waxaana uu ka mid yahay masaajidda ugu magaca dheer ee dalka.

Goobjoog News